Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo.

44 mudane oo ka tirsan Baarlamanka ayaa xalay mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khifaal ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Dhoobo.

Balse, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa xilka qaadista guddoomiyaha u cuskaday in uu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this