Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/Hoose oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeellada Hoose Cumar Maxamed Carabey ayaa goor dhaw qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee guddoomiye Cumar ayaa koox hubeysan waxa ay Bam gacmeed ku weerartay guriga uu ka deganaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhawaac halis ah oo ka soo gaaray qaraxaas ayaa la isku dayay in loola craro isbitaalada magaalada Muqdisho balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa noo xaqiijiyay in uu dhex ku geeriyoday.

Waxaa goobta is kaga baxsaday kooxdii Bam gacmeddka ku weerartay gurigiisa ee dhaawaca uu u dhintay u geysatay, waxaana haatan inta badan xaafadaha ee ka koobantahay degmadu baaritaano ka wada ciidamada booliska ee ka howlgala degmada Afgooye.

Illaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama helin dilka Guddoomiyaha, mana jirto koox sheegatay.

Waxaa loo badinayaa inay dilkaan ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this