Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka hadlay Masiibada Fatahaadda Biyaha Wabiga ee Bulshweynta Beledweyne haleeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha ayaa yidhi: Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga […]
72652785_2245699335727479_40264265145170

Guddoomiyaha ayaa yidhi:

Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno.

74386268_2424449334270763_26178176095501

Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn.

Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this