Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo mar kale digniin ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale digniin ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo in roobabka dayrtu ay ka sameeyaan degaanno ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaanna degmooyinka ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Qoraal ka soo baxay wasaaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda la saadaalinayo, in roobab xooggan ka da’aan dhulka buuraleyda ee dhinaca Ethiopia, islamarkaana sare u kac ku yimaado heerka biyaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo fatahaado hor leh sababi kara.

Wasaaraddu waxay digiin gaar ah siiyay bulshada ku nool magaalooyinka ku teedsan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, halkaasi oo cabsida ugu badan laga qabo, in webiyadu ku fatahaan, waxaana meelahasi kamid ah magaalada Beledweyne oo awal la daala’dhacaysay musiibadii fatahaadda webiga Shabeelle.

Wasaaradda ayaa bulshada ku dhaqan degaannadaasi waxay talo ku siisay, in aysan dib ugu laaban meelihii ay hore uga soo bara-kaceen ee fatahaaduhu saameeyeen, iyo in ay ka baxaan haddii ay ku jiraan meelo godan, lana socdaan wararka roobabka iyo fatahaadaha.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

FATAHAAD.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Soomaaliya oo mar kale digniin ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this