Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre oo la kulmay Guddiga Waxbarashada G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maagalada baledweyne kulan kula qaatay bahda waxbarashada oo ay ugu Horeeyaan gudiga waxbarashada Gobalka Hiiraan.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa iskuuladii ku bur buray Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle iyo siddii ardaydii ka barakacay ay dib ugu bilaabi lahaayeen waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in waajib gaar ah uu ka saaran yahay horumarka waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan kulan kula qaatay magaalada Beledweyne bahda waxbarashada gobolka Hiiraan. Waxaan ka wada hadalnay sidii aan dayactir ugu sameyn lahayn xarumaha waxbarashada gobolka oo burbur xoogan uu kasoo gaaray fatahaada wabiga shabeelle oo 86 dugsi oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla magaalada iyo tuulooyinka ku hareereysan ay xirmeen, isla markaana ay ka tageen ardaydii dhiganeysay oo ay tiradoodu dhan tahay 27,500” ayuu yiri Wasiir Goodax.

75258652_822641474819223_895606513505140 74883007_822641418152562_565502814551067 74673164_822641051485932_614589718322164 72982367_822641304819240_731920245229145

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this