Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland.

Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga dhaxlay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhinacyada shirka ka qayb galay ku booriyay inay go’aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose, maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey.

1-14.jpg?w=1000&ssl=1 2-11.jpg?w=1000&ssl=1 3-9.jpg?w=1000&ssl=1 4-10.jpg?w=1000&ssl=1 5-8.jpg?w=1000&ssl=1 6-10.jpg?w=1000&ssl=1 8-5.jpg?w=1000&ssl=1 9-5.jpg?w=1000&ssl=1 10-2.jpg?w=1000&ssl=1 11-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this