Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Ingiiriska

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan,wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

1-11.jpg?w=1000&ssl=1 2-9.jpg?w=1000&ssl=1 4-7.jpg?w=1000&ssl=1 5-6.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Ingiiriska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this