Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka soo saaray heerka dhaqaalaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
DAAD.png?w=1000&ssl=1Xil. Cawil Xassan Daad

Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa mudanayaasha Baarlamaanka warbixin ka siiyay heerka dakhliga iyo kharashaadka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha guddigaasi Xil. Cawil Xassan Daad oo warbixinta akhriyay, ayaa sheegay in saadaasha dhaqaalaha Puntland ay ka muuqato degga’naansho, taasi oo ka dhigan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan Puntland ka jirin hoos u dhac iyo koror dhaqaale midna.

Balse, wuxuu Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku amaanay, in ay midaysay xisaabaadka dowladda, islamarkaana ay hawl fiican ka qabatay la’dagaallanka musuq maasuqa iyo sare u qaadidda canshuuraha berriga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Wasaaradda Maaliyaddu hormar fiican ka samaysay xakamaynta kharashaadka iyo sare u qaadidda dakhliga dowladda, gaar ahaanna isu’dheelli-tirka dakhliga soo xarooda iyo kharashaadka baxa.

Hoos ka daawo warbixinta guddiga

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka soo saaray heerka dhaqaalaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this