Deeq A. Posted November 4, 2019 Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Buulo-Burte ayaa sheegaya in xiisad salka ku heysa maamulka ay ka jirto degmadaasi, kadib markii uu guddoomiye cusub u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Buulo-Burte ayaa ka horyimid magacaabista guuddoomiyaha cusub, waxaana ay ku eedeeyeen wasiir Caadle inuu iska hor keenayo bulshada ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale Odayaashan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay magacaabista guddoomiyaha cusub, iyadoo horay mid kale ku sime loogu magacaabay Buulo-Burte, tan iyo inta laga soo dhisayo golaha deegaanka degmadaasi. ‘Annaga cidda aan aqoosannahay oo aan la shaqeyneyno waa ku-simaha guddoomiye ilaa laga soo dhisayo Golaha deegaanka degmada, Wasiirka isaga ayaa laga rabaa halka uu ka ariminayo kan danbe ee uu hadda soo magacaabay.” ayey yiraahdeen odayaasha. Ugu dameyn waxa ay madaxda sare ee HirShabelle iyo dowladda federaalka ugu baaqeen inay soo faragaliyaan arrintaasi, si loo xaliyo khilaafka ka taagan halkaasi. Buulo-Burte ayaa in muddo ah ku jirta xaalad jahwareer oo dhinaca maamulka ah, taas oo cuuryaamisay horumkarka degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites