Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda IRAN Oo Meesha Ka Saartay Wadahadal Ay La Gasho Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa meesha ka saaray wadahadallo ay la galaan Washington, maalin ka hor xuska 40 guuradii ka soo wareegtay markii la afduubtay shaqaalaha safaarada Mareykanka ku lahaa ee caasimada Tehraan.

iran-iyo-maraykanka.jpg

Kuwa u maleynaya wada xaajoodka Mareykanka in uu xalinayo dhibaatada jirta xaqiiqdii wey qaldanyihiin ayuu yidhi Mr Khumeyni intii lagu guda jiray khudbad uu shalay Jeediyay oo lagu baahiyay Website-ka uu gaarka u Leeyahay.

Waxba kama soo bixi karaan wadahadal aan la galno Mareykanka, maxaa yeelay xaqiiq ahaan malaha go’aan qaadasho dhab ah ayuu yidhi.

Bishii November 4-teedii sanadkii 1979-kii ayaa arday u dhashay Iiraan waxay ku xoomeen dhismaha safaarada Mareykanka ee Tehraan iyaga oo afduub ahaan u qabsaday shaqaalaha Safaarada.

Ardayda ayaa dalabkooda waxaa uu ahaa in lagu soo wareejiyo boqorkii hore ee Mr shah, Mohammad-Reza Pahlavi oo xidhiidh la lahaa Mareykanka oo ay xilka lagaga tuuray kacaanka Islaamiga ahaa ee Iiraan ka dhacay 11-kii bishii Febraayo sannadkii 1979-kii.

Boqor Shaah ayaa markaasi lagu dabiibayay cisbitaal ku yaalla Mareykanka kadib markii uu xanuun soo ritay.

In la xaliyo arrintaan ayaa waxay qaadatay 444 maalmood waxaana ugu dambeyn la sii daayay 52 qof oo u dhashay Mareykanka oo afduub ahaan loogu haystay dhismaha Safaarada.

Sannadkii 1980 ayaa gabi ahaanba si rasmi ah labada waddan waxay gooyeen xidhiidhkii dhanka diblumaasiyadda oo ay lahaayeen.

Balse Khumeyni ayaa aaminsan in dhibaatada ayna ka bilaaban qabsashada dhismaha Safaarada Mareykanka ee Tehraan ayna hore u lumiyeen shacabka dalkaasi kalsoonida ay ku qabeen Washington.

Ciidanka Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da ayaa sanadkii 1953-dii afganbi talada kaga tuuray iyaga oo kaashanaya dowlada Ingariiska Ra’isul wasaarihii Iiraan Mohammad Mossadegh, kaasi oo mas’uul ka ahaa soo saarida shirkada shidaalka oo hada ay ku naalooneyso IIraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this