Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaafka Khadiija iyo Filish oo ka daray iyo xil ka qaadis loogu hanjabay Filish

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa hakad ku jira qabashada ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishaan kadib markii korontada laga jaray garoonka Eng Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa.

Qabashada Ciyaartaan ayaa u xayiran khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in aad uu usii xoogeestay Khilaafka Wasiirka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir kaas oo gaaray in guddoomiye Cumar Filish loogu hanjabo in xilka laga qaadi doono.

“Hadii aadan wax ka badalin wadashaqeynta gobalka iyo wasaaradda waxaa halkaan keeni doonaa guddoomiye la shaqeyn kara xukuumadda iyo wasaaradda” ayaa lagu yiri Cumar Filish sida uu noo sheegay mid kamid ah masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

“Wasiir Khadiija waxay madaxda qaranka u sheegtay in aysan qabsoomi karin ciyaarta degmooyinka ilaa laga heshiiyo gobalkana ogolaado in uu la shaqeeyo wasaaradda waana laga aqbalay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa u muuqda in uu wajahayo jahwareer xoog leh kaas oo curyaamiyay shaqadii uu qaban lahaa, iyadoo ay arintaan muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay u madaxbanaani la’aanta dhanka shaqada ee guddoomiyaha gobalka maadaama ay ciyaaraha hada socda yihiin tartan heer gobal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this