Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb ee Ahlusunna oo la saftay Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlusunna Macalin Nuur Cilimi Cabdulle ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan xilligaan ka jirin degmada, isla markaana amniga guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb oo shir jaraa’id ku qabtay hayga uu Dhuusamareeb ka daganyahey ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uusan aqbaleyn in ay xabad ka dhacdo Magaalda Dhuusamareeb,waxaa kale oo uu been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in magaalada cakirantahay.

Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sugayaan Ciidamada isku dhafka ah dowladda Federaalkana mas’uul ka tahay amaanka Magaalada DHuusamareeb.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Shaabka Magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this