Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Fiidow iyo Gacamey oo dhaawac ah iyo gaadiid ay qabsadeen Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Bu’aale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Buale ayaa sheegaya in weerar cirka ah lagu diley saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday xarun tababar ama aqoon korarsi lagu siinayay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Saraakiil iyo dagaalamayaal la socotay.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa goobta la wareeray waxaa kamjd ah Sheekh Xuseen Filow oo ahaan jirey Guddoomiyihii Al-Shabaab ee Jubooyinka waxaana la soo sheegayaa in uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

Sidoo ksle wararka ayaa sheegaya in uu weerrarkaas ku geeriyooday Daahir Gacmey oo ah hogaamiyaha Al-Shabaab ee Jubooyinka halka warar kale ay sheegayaan in uusan geeriyoonin balse uu qabo dhaawac culus oo weerarkaas ka soo gaaray.

Dhinaca kale, weerar kale oo kadhacey deegaan u dhaxeeya Degmada Jilib iyo Deegaanka Xaramka ayaa la sheegey in lagu burburiyey tabaneeyo gaari oo Al-Shabaab horey uga qabsatey dagaalo ay lagashey ciidamada Kenya, kuwa Ethiopia iyo ciidanka Soomaaliya.

Gawaaridan ayaa la sheegey Al-Shabaab in ay qorsheyneysey in ay weeraro argigixiso u adeegsato ayadoo iska dhigeysa nabad ilaalinta Soomaaliya ama ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Wararka Jubbooyinka ka imaanayo ayaa sidoo kale soo sheegayo in duqeyntaas ka dhacday Juboyinka uu ku dhintay Adan Geedi oo loo yaqaano Abu Xudeyfa oo ah Amiirka guud Gaashaandhiga Al-Shabaab oo kamid ah ma’suuliyiintii la joogtay gaadiidka la bur buriyay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this