Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wakiilada Puntland oo ansixiyey xildhibaan cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabaddoonada iyo isinka beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan, Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa.

Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo, Feysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay guddoonka golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanka, kadibna la dhaariyey

Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Geesdiir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this