Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Ergo Ka Kala Socota Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ergo ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya ayaa kulan kooban oo wada hadaladii ku saabsan ku yeeshay dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

1-7.jpg

Kulankan ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahani, wuxuu dalka Djibouti ku qabsoomay 18 Oktoobar, waxaana dhinaca Somaliland uga qayb galay Wasiirka arrimaha dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Marwo Edna Aden Ismaaciil, halka ay dhinaca Soomaaliya uga qayb galeen ergo uu horkacayo xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiye u ah guddi uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida ay xogahani sheegeen, ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, marka laga reebo in la isku afgartay in loo diyaar garoobo in wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho dib u bilaabmaan.

Laakiin ma jirto wax wakhti ah oo loo qabtay in wada hadaladaasi dib u bilaabmaan.

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bishii September socdaalo kala duwan ku tagay dalka Djibouti, iyadoo ay markaas soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u bilaabo wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho oo ay dalkiisa ku kulmaan labada madaxweyne, waxaana la dareemi karaa inay Biixi iyo Farmaajo raali ka noqdeen inay dib u furan wada hadalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this