Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Sheekh: Al-shabaab Fursad Ayaa Ugu Jirta Qabsashada Dowladda Ee Matabaan iyo Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey waxaa ay Ahlu sunna ka qabsatay degmooyinka Matabaan(Hiiraan) iyo Guriceel(Galgaduud), arrintan oo khasaare nafeed ay ka dhalatay.

Maxaa ka dhalan kara? Su’aashaasi waxaa ay  Goobjoog News hordhigtay agaasimaha machadka Hiraal Xussein Sheikh Maxamuud  isaga oo sheegay in talaabbadan dowladda ay dhaawac  u geysan doonto hannaanka dhismaha maamulka dowlad goboleedka Galmudug.

“ Maamulka dhismaya ee Galmudug ma noqon doono mid ay ku wada jiraan saamileyda oo dhan, mana heli-doono sharciyad haddii aan Ahlu-sunna qeyb ka noqon” ayuu intaasi raaciyey.

Waxaa kale oo uu  qabaa agaasime Xuseen in Al-shabaab ay naf ku soo laaban-doonto, oo khatar iman doonto, isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri “Ahlu sunna waa kooxda keliya ee iska dhicisay kooxda Al-shabaab, la’aantood waxaa ay Al-shabaab gaari lahaayeen ilaa waqooyoga sida Berbera iyo Hargeisa” isaga oo ku dooday in Al-shabaab heli-doonaan fursad aaney abidkood ku riyoon, wax badanna iska badli-doonaan qorshihii ladagaalanka argixisada

Ugu dambeyntii, agaasimaha Hiraal Xuseen Sheekh waxaa uu Goobjoog News u sheegay in ujeedka dowladda ka leedahay qabashada magaalooyinka Ahlu-sunna uu yahay qorshe la xiriira dowladda kadibna marka ay soo laabtaan ciidamada halkaasi loo daabulay, istaagtana lacagta la xiriirta doorashada ay Ahlu-sunna heli-doonto waxa rabto, dib u soo laaban-doonto awoodeeda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this