Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo saraakiil sare u xirtay weerarkii Ceelsaliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Gaashaanle Sare Cali Maxamed Nuur oo ahaa Taliyaha Guutada 1-da April, gaashaanle Aadan Axmed Cali Gaaseey ammaan duulaha Guutada 1-da April, taliyaha urur hoos yimaada Guutada 1-da April oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamuud Masdile iyo ammaan duulaha ururka.

Dhamman saraakiishan ayaa waxaa loo xiray weerarkii lagu qaaday Saldhigga Ceelsaliini oo ay ku dhinteen in ka badan 30 kamid ah Milateriga Soomaaliya.

Saraakiishaan oo madax u ahaa ciidanka weerarkaas ku dhamaaday ayaa muddo todobaadyo ah lagu hayey wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay dayacaad ciidan iyo mid hub.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ragaan su’aalo laga weydiiyay weerarkii xanuunka badnaa oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen xerada Ceelsaliina iyo hub iyo gaadiid halkaas lagu qabsaday.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in qaar kamid ah saraakiishaan si kumeel gaar ah shaqada looga fariisiyay waxaana suurta gal ah in ay xilka laga qaado maadaama la sheegay in ay jirtay dayacaad laga baaqsan karay.

Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo daganaa xerada Ceelsaliini waxaa ku dhintay in kabadan 30 Askari, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ku qabsadeen 8 gaari iyo saanad ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this