Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka Ah ee Turkiga Iyo Soomaaliya oo ku kulmay magaalada Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpeg?w=1000&ssl=1

Shirka labaad ee Guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa looga hadlay Iskaashiga dhaqaalaha laba dhinaclaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore iyo ka faa’iideysiga fursadaha jira.

Soomaaliya waxaa shirka uga qayb gelay wafdi heer wasiir ah oo hormuud uu u yahay wasiirka Qorshaynta Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, dhanka Turkiga-na waxaa uga qeyb galay wafdi kale oo wasiirka difaacu uu hoggaaminayo.

kulanka waxaa lagu soo bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga

Shirka waxaa dhinac socday shir doceedyo wasiirradu ay la yeesheen wasiirrada dhiggooda ah ee dalka Turkiga.

Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu as’aasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.

  • 1-1.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 2-1.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 5.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 6.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka Ah ee Turkiga Iyo Soomaaliya oo ku kulmay magaalada Ankara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this