Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020

Recommended Posts

Deeq A.   
Miisaaniyad.jpg?w=1000&ssl=1Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020

Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, maadaama la kordhiyay mushahaarka ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this