Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muqdisho oo galeysa is-beddal amni iyo qorshe cusub oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa habeen hore dhagxaan ku jiray xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah waddada 30-ka ee gobalka Banaadir.

Qaar kamid ah shacabka degmada Kaaraan ayaa billaabay in ay iska qaadaan dhagaxaantaasi, iyagoo aan ogeyn sababta loo keenay halka qaar kale oo ka tirasn shacabka gobalka Banaadir ay is weydiinayaan sababta halkaasi loo xiray.

Dhowrkii sacadood ee la soo dhaafay waxay Caasimada Online la xariirtay mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya si aan u ogaano wixii keenay in waddooyin cusub la xiro.

Dadka aan la hadalnay oo ka kooban booliiska, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga iyo xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa noo sheegay waxa uu yahay qorshaha cusub

“Qorshe cusub oo loo dejiyay ammaanka Muqdisho ayaa dhigaya in inta u dhaxeysa waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka laga sameeyo baaritaano lagana dhigo kuwa xasilooni muddo kooban gudahood kadibna la-qaado dhagxaanta taalo waddada Wadnaha taas oo ka dhigan in la durjin doono halka ay magaalada ka xiran tahay” ayuu yiri mid kamid ah dadka aan la hadalnay.

“Hadda waxaa muuqato in laga guuleestay Al-Shabaab waxaana aad u yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii waxaana xaafadaha laga sameeyay dhallinyaro dharcad ah oo amniga ka qayb-qaata, sidaas oo kale ayaa la rabaa in xasilooni lagu soo dabaalo xaafadaha u dhaxeeyo Wadnaha iyo 30-ka iyadoo si adag loo xirayo waddooyinka” ayuu yiri qof kale oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Saraakiisha ammaanka iyo dadka kale ee xog-ogaalka u ah arintaan ayaa sheegay in haddii sidaan la sameeyo uu aad u yaraan doono dhibaatada xirnaanshiyaha wadooyinka lagala kulmo maadaama ay gudaha soo galayaan 2-da suuq ee ugu weyn Soomaaliya, sidoo kalane ay tahay guul kale maadaama xasilooni lagu soo dabaalayo amniga magaalada inkastoo ay jiri doonto cabashada iyo dhibaatada kale ay wajahayaan dadweynaha reer Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this