Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno hore u mucaaradsanaa madaxweyne Deni oo Casho sharaf kala qeyb-galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho.

Madaxweynaha waxaa kulankan Casho ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac.

Xildhibaannadan oo uu hoggaaminayo Xuseen Yaaasiin Xaaji Diiriye ayaa sida la sheegayo hore u macaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Deni, balse xalay ayaa lagu wada arkay Casho-sharaftii madaxweynaha loo sameeyay.

Kulanka Cashada ah oo uu soo diyaariyey Mulkiilaha Beerta Dalxiiska Ganacsade Daahir Cabdullaahi Kilwe, Waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ku casheeyeen qeybta dhaqanka ee Beerta Dalxiiska, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay Cunto dhaqameed iyo Agab dhaqameed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, isagoo ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Puntland in kor loo qaado maalgashiga dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

  • 1-45.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-35.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-24.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno hore u mucaaradsanaa madaxweyne Deni oo Casho sharaf kala qeyb-galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this