Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa Hubaal In Haddii Ammaanku Meesha Ka Baxo In Aanay…” Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar-Jeclo Oo Ka Hadlay Nabad-galyada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka, waxaanu soo jeediyey in awooda la saaro sidii xaalada nabadgalyo ee dalka loo sugi lahaa, loona ilaalin lahaa, xilli doraad weerar ka dhacay Magaalada Boorama.

1-97-696x565.jpg

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Nabadgalyada oo la ilaaliya, waa waajib ina wada saaran, imaankii iyo amaankiina amaankii ayaa la horeeysiyey, waana hubaal in haddii amaanku meesha ka baxo in aanay Waxbarasho, Ganacsi iyo wax walba meesha ka baxayaan, markaas amaanka guud ee dalka ha la sugo, oo awooda la saaro sidii loo ilaalin lahaa, colaad iyo dagaalna faa’iido ay leeyihiin ma jiraan”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada Gobolada Barri ayaa yidhi “Xaalada Gobolada hadda wey roon yihiin, meel wacana hadda hawshu wey noo maraysaa, waxaana raynaynaa inshaha allaah inay wax walba si fiican noogu dhammadaan”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this