Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Meydadka ciidamo ka tirsan DF oo 3 maalmood ku go’doonsan Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee saddex askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku dhintay qarax miino oo loo dhigay ayaa meydadkooda laga soo qaadi la’yahay duleedka magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose.

Askartaan oo saarnaa gaari Nooho ah ayaa ka soo baxay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose, waxaana lagu qarxiyay degaan lagu magacaabo Kili Caafimaad oo ku dhow degaanka No 60 ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ehellada askartaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan dadkii soo doono meydadka askartaasi oo ay sheegeen in ay weli yaalaan halkii ay ku dhinteen.

“Meydadka 2 kamid ah gaariga banaankiisa ayey ku soo dhaceen, halka midka kalane uu ku jiro gudaha gaariga oo bur buray Al-shabaab-na waa diideen in aan soo qaadano” ayuu Caasimada Online u sheegay qof kamid ah ehellada askartaasi.

“Dowladda Soomaaliya waan u sheegnay in ay naga caawiyaan sidii aan usoo qaadan laheyn meydka wiilasheyna laakiin ilaa hadda jawaab kama helin waxaana dhalinyaradu geeriyoodeen Axaddii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay.

Waalidiinta askarta ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ee meydkooda yaalo duleedka Marka ayaa aad uga niyad jabsan taageero la’aanta dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen waxaana degaankaasi uu yahay meel aan Al-Shabaab ku xooganeyn oo ay si caadi ah u maraan ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku soo qaadaan waqtiyada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this