Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dhallinyaro xer ah oo isku qoray ciidamada Ahlu Sunna si ay uga taageeraan haddii dagaal la gasho DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa maamulka Ahlu-Sunna ku biiray tabaneeyo dhalinyaro ah kuwaas oo ka tirsanaa xer ama culumo kutubta diinta lagu baro degaano ka tirsan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirasn baarlamaanka Galmudug.

Masuuliyiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in dhalinyaradaan aysan ka imaan oo kaliya Dhuusamareeb iyo Guriceel balse ay qaarkood ka yimaadeen degmooyin kale oo ka tirsan Galgaduud, Hiiraan iyo Mudug, waxaana lagu sheegay dariiqada suufiyada gaar ahaan qaadiriyada oo ah kuwa ugu badan ee maamulkaasi ka tirsan.

Dhalinyarada ayaa qaarkood lagu sheegay in ay ahaayeen maleeshiyaad hub heesta sidoo kalane kutubta raacda maadaama degaanka uu ka jiraan dagaalo sokeeye ama bulshada Soomaaliyeed kuwooda reer guuraaga la sheego in ay yihiin dad hubeysan.

“Dhalinyaro ku dhow 80-100 qof ayaa maalmihii la soo dhaafay soo galay degaanka waxaana dhalinyaradaan ay doonayaan in ay ku biiraan ciidamada taabacsan Ahlu-Sunna waxayna u badan yihiin xer” ayuu yiri masuulkaan aan la hadalnay oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

“Odayaasha iyaga ayaa u wacday xertooda markii Muqdisho laga keenay diyaarado ciidamo ah hubna dadka waa heestaan Gobalada Dhexe waa qof iyo qori” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka aan la hadalnay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay yihiin mutadawaciin waxayna aaminsan yihiin ayuu yiri in jihaad ay galayaan ayada qaarkood la sheegay in ay ka qayb galeen dagaalo badan oo ay hore Ahlu-Sunna ula gashay Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada uu sii xumaanayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal ciidan ka qaaday Muqdisho kuwaas oo la geeyay degaanka waxayna arintaasi abuurtay xiisad dagaal oo dhinacyada u dhaxeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this