Deeq A. Posted October 29, 2019 Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Qardho ee gobolka Bari. Siciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey xubnaha maamulka Qardho iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi. Ujeedka socdaalka Madaxweyne Deni ayaa ah mid la xariira qiimeynta xaaladaha ka jira magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca nabad galyada. Ugu dambeyn Madaxweynaha oo la hadlay dadkii soo dhoweeyey ayaa sheegay in la xoojin doono amniga, islamarkaana ciidamo cusub la geyn doono halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites