Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo baaq diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Baladweyne ay tahay mid halis ah.

Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka gargaarka XFS, Xamsa Saciid Xamsa, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan.

Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku billowday dar-dar xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa QM.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in haatan uu gargaar Raashiin ah ka imaanaya Gaalkacyo kuna soo wajahan yahay Magaalada Beledweyn, Maantana ay billowdeen gurmad Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku  Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this