Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska Jirka Shilalka ay sababaan Xoolaha iyo Xayawaanku sida Geella.

Recommended Posts

Deeq A.   

Iska Jirka Shilalka ay sababaan Xoolaha iyo Xayawaanku sida Geella.

Khatarka Geella ee sida Joogtada ah u Mara waddooyinka waxay Keenan Shilalkan faraha badan ee aynu Maalinkasta aragno waxa qayb ka ah Geella waddooyinka soo gala iyo xawaaraha aad ku socotid oo ah mid xad dhaaf ah.

Maalin maalmaha kamida anigoo Hargeysa ka imid ayay igu dhacday anigoo gaadhi wadda ay Hal yari ka soo booday meelo kaymo ah ka dibna waxa Alle igu badbaadiyey waxay ahayd xawaaraha aan ku socday oo hooseeyay.

Haddaba haddii aad safar gellaysid waxaan kugula Tallin lahaa.

1. In aad xawaare degan ku socotid, ugu badnaan 80KM.
2. Innaad markasta la socotid Xoolaha Waddooyinka soo dhex mara.
3. In wacyigalin la siiyo dadka Geelle iyo Xoolaha ku ag raaca Agagaarka Waddooyinka.
4. In Darawalku awood u leeyahay xakameynta Shookaanta iyo waddista Gaadhiga.

Qodobka Labaad.

Gawaadhida ku xumaata waddooyinka dhexdoodu waxay kaga tagaan dhagxaan iyo Waxyaalo kale oo ay iskaga dhigaan gawaadhida Soo socota taasna waxaan ka leeyahay:-

1. In haddii gaadhigaagu Waddada dhexdeeda ku xumaado aad isku daydid inaad parking uga baxdid haddii ay suurogaliweydana marka aad cillada ka saartid aad wixii aad dhigtay ka sii nadiifisid waddada.
2. In haddii aad aragtid dhagax ama taayir ama wax kale oo waddada dhex yaalla aad degtid oo aad ka qaadid haddii kale ay dhib u geysan doonnnaan Gawaadhida kaa dambeysa.
3. In aad markasta taxadir iyo xawaare dhexdhexaad ah ku socotid.
4. In haddii aanad hore ugu socon waddooyinkaad mareysid aad ka feejignaatid Qatarta xawaaraha badan.
5. In dawladdu degmo kasta dhigto gaadiidka jiida gaadiidka xumaada.

Labadan dhib ee aan sheegayba waxay sababeen shilal dhimasho iyo dhaawacba leh haddii laga hor taggo waa bad-baadada Bulshadda.

Sawirkani waa waddada u dhexeysa Burco iyo degmadda Sheekh.

Rakad Mxd Sultan Berbera
Farxaanmxd@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this