Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Siidow oo ku baaqay in loo gargaar la geeyo Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Nuur Siidow Baale oo ka mid ah Mudanayaashan golaha shacabka ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Sidoow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowaan booqday degmadaasi ayaa sheegay shacabka ku dhaqan halkaasi aysan heysan adeegyada aas aasiga u ah nolosha Aadamaha.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka in ay caawiyaan dadkaasi.

Awdheegle oo muddo ay heysatay Al-Shabaab ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/awdheegle.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this