Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii uu magacaabay Sheekh Shaakir oo la ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ansixiyey guddiga doorashada maamulkaasi oo uu dhowaan magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan arrimaha doorashada la filayo inay ka dhacdo maamulkaasi.

Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey guddigaasi, iyadoona kulanka ay soo xaadireen 111 Xildhibaan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Dhuusamareeb uu ku sugan yahay guddigii ay ku magacowday dowladda dhexe, waxaana ay u muuqataa in khilaafka uu sii xoogeysanayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this