Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuno ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalkan ballaarnaa, islamarkanaa ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsanayay goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntlanad,iyadoo lagu khaarijiyay hoggaamiyeyaal sar sare.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow buuraha Goolis ee Puntland ku dilay ilaa 3 hoggaamiye oo ka tirsanaa kxoxda Daacish, kuwaasi oo dhibaatooyin ku hayey shacabka, sida ay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay.

Goobta howlgalkaasi uu ka dhacay ayaa khayaas ahaantii 150 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Marka laga soo tago khaarijinta hoggaamiyeyaashaasi dhanka kale majiraan wax khasaare ah oo uu soo gaaray shacabka mudadii uu howlgalkaasi socday,sida ay saraakiil xaqiijiyeen.

Muddooyinkii dambe ayaa dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this