Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshadaha Ka Socda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay rabashadaha ka socda Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Oromada, waxayna sheegtay inay ku rajo weyn tahay in rabashadaahaasi ay ku dhammaadan nabadgalyo iyo xasilooni.

1-82-696x531.jpg

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtida Xukuumadda Somaliland ee rabshadaha Itoobiya ka socda iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan ayaa ku jawaabay “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay, dabcan wax walba oo ku yimaadan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan, waxaana aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this