Sign in to follow this  
Deeq A.

“Agaasimayaasha guud waa Mashiinka Dowladdu ku dhaqaaqdo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in Agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka Dowladdu ay ku dhaqaaqeyso.

Mahdi oo Maanta ka qeyb galay shirka Agaasimayaasha guud oo Maalintiisii Saddaxaad galay, ayaa wuxuu kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkan oo ay sameeyaan wada tashi, xog is weydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi, maadaama ay yihiin waaya arag iyo Muraayaddii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in Agaasimayaasha guud oo bud-dhig u ah hagaha nidaamka Dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha Dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta Qaranka.

Shirka oo ay Maanta ku soo biireen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowlad Gobaleedyada  laguna soo bandhigayo waxqabadka Dowaldda dhexe ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaanu qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this