Sign in to follow this  
General Duke

Tacsi:

Recommended Posts

Cawaale   

Mogadishu Times, Nov 10

 

Alle ha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis Nov 08 ku geeriyooday Cabdidoor Muxumad Macallin. Wuxuu ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan gudaha Soomaaliya iyo dibadaba.

 

Waxaa shalay lagu aasay qubuuraha Burnsville ee Minnesota. Waxaa aaskiisa kasoo qeyb-galay dhamaan madaxda jaaliyada ee gobolka iyo dadweyne farabadan. Cabdidoor wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo saaxiibo badan ku leh aduunka gaar ahaan gobolka Minnesota.

 

Wuxuu ifka uga tagay 3 wiil, 2 gabdhood iyo xaas, magacyadoodana waxay kala yihiin: Najma, Mulki, Sheekh Nuur, Maxamed-deeq, Cabdikarim iyo xaaskiisa Kiin Abshir. Cabdidoor wuxuu xanuunsanaa waqti dheer.

 

Ganacsadaha wuxuu ku dhashay magaalada Ceelbuur 1954-kii. Wuxuu arday ka noqday oo uu ku xareysnaa Boarding School-kii ku yaalay magaalada Jowhar. Wuxuu ku taqususay oo uu shahaado Jaamacadeed ku qaatay cilmiga ganacsiga.

 

Cabdidoor wuxuu aas aasay madaxna ka ahaa shirkadii caanka ahayd ee Door Enterprise ee uu saldhigeeda ahaa magaalada Muqdisho. Shirkada waxay ka mid ahayd shirkadaha ganacsiga ee ugu waa weyn Soomaaliya.

 

Dagaaladii sokeeye ka dib waxay shirkada usoo guurtay oo ay saldhig cusub ka sameysatay magaalada Dubai. Waqti yar ka dib wuxuu Cabdidoor usoo wareegay Mareykanka. Intii uu joogay Mareykanka wuxuu la xanuunsanaa xanuunka uu hadda u geeriyooday ee beerka.

 

Cabdidoor wuxuu ka mid ahaa maamuulka masaajidka Umutal Islaam ee ku yaala magaalada Minneapolis. Qudbadahii laga jeediyay aaskiisa ayay qaar ka mid ah Imaamada ka cadeeyeen in aysan macquul noqon lahayn dhismaha masaajidka Umutal Islaam haduusan Cabdidoor ahayn.

 

Wuxuu ahaa shaqsi aad ugu xiran masaajidka. Ganacsade lagu magacaabo Baasim oo Falastiini ah, saaxiibana ay ahaayeen Cabdidoor ayaa maamulka masaajidka ka codsaday in ay badalaan magaca masaajidka uguna magacdaraan Cabdidoor.

 

Baasim oo sheegay in uu waqtiyo farabadan isbitaalka ugu tagay Cabdidoor, ayaa ka sheekeeyay in uu Cabdidoor waqti walba u adeegi jiray masaajidka lacagtiisana ku bixin jiray. Wuxuu ka hadlay oo uu dadkii masaajidka joogay u sheegay in uu Cabdidoor mar uu coma kasoo baxay su’aashii ugu horeysay ee uu waydiiyo waxay ahayd arimaha masaajidka meesha ay marayaan.

 

Wuxuu ku celceliyay oo uu codsaday in masaajidka loogu magacdaro. Waxaa kaloo sidaa oo kale wanaag badan ka sheegay imaamadii joogay aaska oo gaarayay ilaa iyo todoba.

 

Jaaliyada Minnesota dhexdeeda wuxuu ka ahaa nin libaax ah oo hawlkar ah. Alle ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyo dhamaan bahwaynta ....... ee ku nool gobalka Minnesota waxay Tacsi tiiraan yale u diraayaan { Nabadoon Cabdi Maxamuud Macalin a{Cabdi Door} oo xalayto ku geeriyooday magaalada aan ku nol nahay ee Gobalka Minnesota. maantana duugtiisa aan u fadhino waxayna leenahay dhamaan samir iyo iimaan alaha nagawadasiiyo. asagana waxu ahaay nin aad noogu qaaliyahe qabrigiisa alaha ku qaboojiyo qiyaamana janatul fardoowsa

 

AAniin Aamiin

 

axamed Cali Nuur (Amerika) oo ah safiirka dowlada Somalia uga wakiilka ah dalkaasi Kenya.

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this