Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo ka tirsan DF oo doon ay kula degtay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dooni ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku qalibantay agagaarka xeebaha degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Doonida oo aheyd nooca dheereeya ayaa ku ciladowday meel 60 KM u jirta xeebaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhamman la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi, kadib qeylo dhaan ay u dirsadeen howlgalka Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururkaasi ayaa lagu sheegay inay gurmad deg deg ah u fidiyeen ciidankaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen.

Sidoo kale Midowgr Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay noloshooda ay caawiyeen, islamarkaana ay ku guuleysteen howlgalkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda, gaar ahaan saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan doontaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay Doon kula degtay nawaxiga xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi, inkastoo la soo badbaadiyey dhowr iyo toban ka mid ah askartaasi, halka kuwo kalena la waayey.

TTe-Ponce-Ruiz-1024x768.jpg IZLQE2990.jpg Meeting-1024x683.jpgCaasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this