Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muqdisho Ayaan Tagay, Farmaajo Waxa Aan U Sheegay In Uu Ka Laabto Kiiska Badda” Dawladda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Waxaa soo xooggaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya.

F-750x430.jpg

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yidhi Kyle McCarter.

“Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yidhi safiirka.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo aqoonyahannada qaar ayaa rumeysan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay eedeymhaas ka jawaabto.

Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma ay shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this