Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay siyaasiyiinta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland (TPEC), ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay, xubno ka tirsan siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood hore xilal uga soo qabteen Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Af-hayeenka guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland, Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda uga warbixiyay, ayaa sheegay in guddigu siyaasiyiinta ay la kulmeen ay u bandhigeen hawlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, si loo hirgeliyo barnaamijka xisbiyada badan ee loo xilsaaray.

Waxa kale oo uu sheegay, in siyaasiyiintu ay talooyin la xiriira hirgelinta barmaamijka xisbiyada badan, ay la wadaageen guddiga, islamarkaana ay talooyinkaasi u arkaan kuma muhiima u ah shaqada guddiga, isagoo uga mahadceliyay siyaasiyiinta ra’yigooda ay ku biiriyeen.

Halkaan ka daawo hadalka Af-hayeenka

Dhinaca kale, Dr Cali Xaaji Warsame oo kamid ahaa siyaasiyiinta la kulmay guddiga, ayaa sheegay in ay talo ka siiyeen sida Puntland uga gudbi karto doorashada ku salaysan nidaamka Qabaliga ah, loogana hirgelin karo hannaanka xisbiyada badan.

Siyaasi Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa isna sheegay in sida ay guddiga wax u wadaan ay ka muuqato xubno ay ka go’antahay in ay Puntland gaarsiiyaan nidaamka xisbiyada badan, si qof kasta codkiisa wax ugu doorto.

Sidoo kale, wasiirkii hore Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa tilmaamay in shaqada guddigu ay guulaysan doonto, haddii xukuumadda Puntland ay la timaado ka go’naansho, maadaama shacabku wakhtigan ay diyaar u yihiin in ay codkooda wax ku doortaan.

Hoos ka daawo hadalka siyaasiyiinta

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay siyaasiyiinta Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this