Deeq A. Posted October 22, 2019 Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe ballaaran oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab. Xagaa ayaa sheegay in la xoojin doono howlgallada ciidamada dowladda ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay heystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la tayeeyo ciidanka Xoogga dalka, lagana war qabo markasti, si ay u helaan dhiiro gelin joogta ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gobollo badan oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites