Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir ka tirsan Al-Shabab iyo ilaaladiisa oo lagu dilay howl-gal qorsheysnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku dilay Guddoomiye gobol oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa.

Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu ku dileen dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab iyo amiirkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kabtan Cali Yuusuf Macallin oo ah Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Wuxuu sheegay inay dileen Guddoomiyihii deegaankaas u qabiilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar  iyo dagaalmayaal kale.

Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si gaar ah u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhigga deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalamayaal kale, halka uu weerarkaas ku dhaawacay kuwo kale.

Ilaa hadda ma jiro illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Taliye Kabtan Cali Yuusuf Macallin, sidoo kalana welina weerarkaan ma aysan ka hadlin Al-Shabaab.

Maalmihii dambe Ciidamada Dowladda ayaa waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ku guuleysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan goobo badan oo ay horey ugu sugnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this