Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Oo Socdaal Ku Gaadhay Dalka Afghanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Afghanistan)-Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa socdaal ku gaadhay dalka Afghanistan kadib wadahadalladii Mareykanka iyo Ururka Taalibaan ee fashilmay.

157158491081f80.jpg

Socdaalkan ayaa la xidhiidha iyadoo Washington ay qorsheyneyso in 5,000 askari ay kala baxdo Afghanistan kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka Isbaheysiga NATO.

Mr Esper oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xidhiidho sidii loo dhimi lahaa ciidanka Mareykanka.

Balse wuxuu sheegay in la bixitaanka ciidankooda ay ku xidhantahay hormar laga gaadho dadaalada nabada ee dalka Afghanistaan.

Ciidanka NATO ayaa weeraro xooggan kala kulma dagaalyahanada la magacbaxay dowladda Islaamka ee daacish iyo ururka Talibaan oo xidhiidh la leh dagaalyahanada Al-Qaacida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this