Sign in to follow this  
Deeq A.

 War Saxafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada Qasriga Madaxtooyada+Wuxu daaran yahay+Muqaal

Recommended Posts

Deeq A.   

 War Saxafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada Qasriga Madaxtooyada+Wuxu daaran yahay+Muqaal

Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalka  Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika.

Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this