Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilkasnimo la’aantaada: Han dhintay iyo hurguri (Q4)

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowgii Soofiyeeti oo hoggaaminayey xoogaggii Waarsow ee siyaasaddii garabka bidix caalamkana u ahaa miisaan siyaasadda lagu cabbiro, marka la barbardhigayo quwaddii NATO ee  iyana hoggaamineysey siyaasaddii garabka midig, ayaa mar qura shafka dhulka dhigay, waxaana fatahay god weyn oo in muddo ahba lagu qodayey irbad ili maqabatay ah.

Webigaan karkaarka jebyey marka laga yimaado, burburka siyaasadeed ee uu sababay waxaa uu horseed u noqday in hal qolo aduunka ku amar ku taagaleyso, waana midda sababtay in guri kasta oo dunida ka mid ah dab ka holco, Soomaaliyana ay safka hore kaga jirto dalalka ka soo kaban la’.

Eedda burburkaan siyaasadeed waxaa ku calaamadsan kuna taariikhoobay sunuud raqiis ahna ku iibsaday, Madaxweyne Mikhail Prokhorov Gorbachev. Waxaa kala tegay oo midba meesha uu doono u dhaqaaqay dadyow awalba cuqdi iyo ciriiri taariikh dheer leh kuwada joogay.

Quwaddii Ruushku waa ciirtay. Waxaa hantidii dalka boobay rag Maafiyo ah oo aan waxba u meel dayeyn. Waxaa beddelay Mikhail Prokhorov Gorbachev, Boris Yeltsin oo aan kala garaneyn gabal dhacay iyo waa baryey. Dal weynahaan burburay, waxaa hal mar dhexdooda ka soo baxay nin dhalinyaro ah, sanado badan la tababarayey, afaf badan ku hadla, si fiicanna u fahamsan qolo welibaa farta ay qorto.Waa Vladimir Putin’e, wuxuuna isu soocay iskuna dubariday dad xul ah, khubaro ah, kaddibna isu keenay dal weynihii Rushka, intii sifo sharci ah kuwada joogi kartay. Wuxuu horseed ka noqday rab caleen lehna isugu keenay Ruushka maanta oo dhaqaale iyo farsamada casriga ahba hodanka ka ah.

Soomaaliya weli nasiib uma yeelan horseed lagu hirto, waxaana isu baddelaya siyaasiyiin Good iyo Abees ka daran, waxayna u badan yihiin dhal shaydaan oo xumaani buuxisay, gumaystena dhalay meeshana dhigtay.

Burburka Soomaaliya kala qoqobay, ayaa qola weliba nasiibkeeda horjoogtaa. Si guud marka loo eego, waxaa dalka Soomaaliya dul joogta daruurta ayaan darrada, waxaana isla dayeysan dadweynaha oo caalwaa ah iyo siyaasiga aan caqligiisa kaashan oo ku shaqeeynaya waxaa cadowga dadka Soomaaliyeed u yeeriyaan.

Maamulka Puntland oo qayb ka ah Dawlad-Goboleedyada Fedaraalka Soomaaliya, ayaad mararka qaarkood la yaabaysaa sida wax u socdaan, waxaadna ku fakaraysaa, xaggee ka curyaansan tahay ?. Maxayse saanta u dhaqaajin la’dahay 21 sano ka dib? Ma hoggaankaa? Mise waa dadka?yaab!.

Sagaal (9) bilood iyo Lix (6) cisho ayaa laga joogaa kolkii xilka Madaxtinimada Puntland uu la wareegay Mudane Saciid Cabdullaahi Deni. Marka si qota dheer looga hadlayo siyaasadda imaatinkiisu waxay ahayd: “muruqa laba suulle ninba si ku ah”. Hase ahaatee, in badan oo aan horay raali uga ahayn imaatinkiisa, ayaa hadda maqsuud ka noqotay siyaasadda deggan ee uu la yimid.

Inskatoo aan la saadaalin karin siyaasiga Soomaaliga ah ee casrigan jooga, hadda Madaxweyne Deni waqtigii koobnaa ee uu joogay, waxa uu keenay siyaasad dabacsan oo furfuran iyo waxqabad keenay inta wax garanaysaa ay u riyaaqdo, waxaana muuqda saanqaad wanaagsan sida hadda wax ku socdaan, inkastoo ay jiraan jilaafooyin siyaasadeed oo aan macna sidaas u sii ridan lahayn, badankoodna hunguri doon salka ku hayaan.

Maxaa qabsoomay? Maxaase qabyo ah?

Khudbaddiisii Caleemasaarka ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay inuu dib-u-habayn iyo dib-u-dhis ku samayn doono ciidamada Puntland, waxaana hadda soo baxay racii ugu horreeyey ciidamada oo mid walba oo ka mid ah qoorta uu suran yahay Kaarkiisa Aqoonsiga, waana howl galeen sida uu ii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan guddigii loo xilsaaray dib-u-dhiska ciidanka. Waxaa kale oo uu intaas ii raaciyey, in Saddex (3) xero oo ciidan hadda dib-u-dhisku ka socdo.

Garsoorka

Dib-u-dhiska Garsoorka ayaa ka socda magaalada Gaalkacayo, waxana shaqadii laga fariisiyey inta badan shaqaalihii hore ee Garsoorka Gobolka Mudug, waxaana hadda socota shaqo-qoris, ayadoo lagu saleynayo laguna xulayo qof kasta aqoontiisa iyo khibradda uu u leeyahay dhinaca garsoorka. Sidoo kale, waxaa la ii sheegay in Gobollada Puntland oo dhan dib-u-habayn dhinaca Garsoorka ah laga samayn doono. Waxaa is-bar-bar socondoona dhismaha Ciidanka iyo kala hufka Garsoorka, maadaama aysan kala maarmin.

Diyaaradda Ethiopian Airline

Muddada gaaban ee ay jirtay Xukuumadda Madaxwene Deni, waxaa si wanaagsan loogu diirsaday diyaaradda Ethiopian Airline oo hadda muddo 3 bilood ah isaga gooshaysa Puntland iyo caalamka intiisa kale. Tani waxay sahashay, dad badan oo muddo dalka ka maqnaa inay dib ugu soo laabtaan, waxayna keentay koboc dhaqaale, doorkii iyo adeeggii Wasaaradda Duulista Hawaduna kor ayuu kacay.

Qabashadii Shirkii Maalgashiga ee Puntland

Waxaa magaalada xarunta ah ee Garoowe lagu qabtay shir aad u ballaaran soona jiitay indhaha caalamka. Wuxuu ahaa shirkii abid ugu weynaa ee Maalgashi oo Soomaaliya lagu qabto tan iyo intii ay bur burtay dawladdii Milatariga ahayd ee keiligi-taliska ahayd. Waxaa hadda gobollada Puntland ku sugan ilaa 2 shirkadood oo ka jawaabaya dalabkii Maalgashiga, kuwaasoo dhowaan howl geli doona.

Wasaaradda Maaliyadda

Markii la soo dhisay xukuumada Madaxweyne Deni, waxaa aad looga qawaday Golaha Wasiiradda qaarkood. Waxaa dad badan aaminsanaayeen in inta badan, Wasiiradu ka tabar yar yihiin Wasaaradaha loo magacaabay; waxaana Wasaaradaha aad looga iimaan darrooday ka mid ahayd Wasaaradda Maaliyadda. Sida uu ii sheegay  khabiir xagga xisaabaadka iyo dhaqaalaha, lana shaqeeya Wasaaradda Maaliyada Puntland, wasaaradda ayaa hadda hormood u ah Wasaaradaha kale, marka la eego habka shaqo ee ay la timid,waxaana arintaan sababay ayuu yiri in  Wasaaraddu shaqaalaysay koox khibrad sare u leh xagga Maamulka, Maaraynta xisaabaabka iyo miisaaniyadda; waxaana si lama filaan ah u kordhay dhaqaalaha soo gala Wasaaradda Maaliyadda. Su’aashu waxa weeye shaqadan wanaagasan wasaaraddu ma sii wadi doontaa? Mise…? Waxaa dad badani qirayaan, in xilligan  hadda aynu joogno, Wasaaradda Maaliyaddu tahay midda loogu ammaan badan yahay hogaankana u haysa wasaaradaha kale.

Qunsuliyadda Dalka India

Muddo kooban ka dib, markii la doortay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa soo gaaray Puntland xarunta Garoowe, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India, waxaana safiirka iyo maamulka Puntland isku afgarteen in Qunsuliyad laga furo magaalada Garoowe. Waxaa tani fududaysay safaradii ganacsatada iyo dadwenahii caafimaadka ugu dhoofi jirey India  iyo dalalka bariga fog iyo weliba ardaydii jaamacadaha  u aadi jirtey, waxana laga nastay fiisayaashii loo raadsan jiray dalalka Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo meelo kale.

Safarkii Imaaraadka Carabta

Bishii la soo dhaafay ayey ahayd kolkii Madaxweyne Deni safar shaqo  ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Markii uu soo laabtayna, Madaxweyne Deni wuxuu sheegay  inay Imaaraadka iskusoo afgarteen kuna soo heshiiyeen mashaariic laga fulin doono magaalada Boosaaso, sida: Korontada biiyaha laga dhalinayo, Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo la fidin doono, ayna la wareegi doonto shirkad maamusha; iyo weliba, in dhowaan la bilaabi doono dhismaha iyo fidinta dekadda Magaalada Boosaaso. Waxaase weli dadweynuhu saluugsan yahay shirkadda DPW oo muddo 3 sano ah Dekedda Boosaaso gacanta ku haysay, wax tillaabo dhisme ahna aan weli qaadin.

Gidaarkii Jubbaland oo la jebiyey

Dawladda Puntland ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Deni, ayaa burburisey gidaarkii siyaasadeed oo loogu tala galay in lagu curyaamiyo, laguna burburiyo maamulka Jubbaland. Waxaa maamulka Puntland horseed ka noqday Caleemsaarkii Madaxweyne Ahmed Mohamed Islam – Axmed Madoobe- oo go’doon siyadeed ay gelisay Dawladda Federaalku.

Marka arrimahan oo dhan la isku soo wada  xooriyo, ayaa waxaa muuqata yididiilo wanaagsan oo dhanka horumarka horay loogu qaaday. Waxaase jira, kooxo abaabullan oo dhagar-qabeyaal ah, xoogaa dhaqaale ahna lagu shubtay, looguna talogalay inay khal-khal siyaasadeed iyo degganaansho la’aan ka abuuraan gudaha Puntland.

Waxaa iyana xusid mudan, haddii aad weydiiso kooxahan sababta dhabta ah ee maamulka cusub ee socod baradka ah ay u diidan yihiin, waxaa ay ka hadlayaan oo qur ah waa dhaqaale iyo wax la cuno, mana arkaysid cid ayaga ka mid ah oo ka hadlaysa fikir siyaasadeed oo dan u ah shacabka Puntland iyo mucaarad wax-dhisid ku salaysan.

Waa xilkasnimo la’aan, in kooxahaan qaylo dhaaminayaa hankooddii iyo jiritaankoodii ay ka hor mariyeen hunguri iyo hanti raadin, iyo inay ilaawaan dantii guud. Waxaa mudan in si mugweyn loo fakaro oo aynu tiigsano sidii loo gaari lahaa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo barwaaqo ah. “WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HARO”.

La soco qayta 5aad maxaa qabyo ah?

 Abdirazak Yassin – Caanogeel

PUNTLAND POST

The post Xilkasnimo la’aantaada: Han dhintay iyo hurguri (Q4) appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this