Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Warqad Codsi Ah U Diray Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Boris Johnson ayaa waxa uu codsi u diray Midowga Yurub si dib loogu dhigo waqtiga Britain ay ka baxayso midowgaasi – hasayeeshee codsigaasi muu saxeexin.

109300667_816030d9-1161-4ea0-8ca5-552907

Codsiga waxaa la socday warqad labaad oo uu Mr Johnson saxiixay, taas oo uu ku sheegay in uu rumaysan yahay in dib u dhigistu ay khalad tahay.

Ra’iisul wasaaraha ayey sharciyan tahay in uu Midowga Yurub waydiisto in waqtiga loogu daro waqtiga kama dambaysta ah ee 31 Oktoobar kaddib markii uu ku guuldarraystay codkii Aqalka Commons-ka.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay in ay soo gaartay codsiga waqti kordhinta.

Waxa uu intaas ku daray in uu haatan hogaamiyayaasha Midowga Yurub kala tashan doono “jawaabta ay bixinayaan”.

Saacado un kaddib markii uu lumiyay codkii kulankii taariikhiga ahaa ee Sabtidii ee uu yeeshay Aqalka Commonska ayuu ra’iisul wasaaruhu amray diblumaasi sare inuu diro nuqulka warqad uu ku codsanaayo in dib loo dhigo bixitaanka oo aanan saxiixnayn, taas oo bishii la soo dhaafay ay xildhibaannadu ku qasbeen.

Warqadda labaad ee Mr Johnson – oo markan uu saxiixay – ayaa waxa ay caddeynaysaa in shakhsiyan uu rumaysan yahay in dib u dhigistu ay khalad tahay.

Warqaddu waxa ay sheegaysaa in dowladdu ay dedaal u geli doonto sidii lagu meelmarin lahaa heshiiska wax laga badelay ee ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ee uu todobaadkii hore la galay madaxda Yurub, iyo weliba inuu ku kalsoon yahay in arrintaas ay hirgeli doonto 31 Oktoobar.

Warqad uu qoray Sir Tim Barrow oo ah diblumaasiga ku matala UK Brussels ayaa waxaa lagu sharaxay in warqadda koobaad ay tixraac u aheyd sharciga sida uu isku afgartay baarlamaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa markii hore sheegay in uu doorbidaayo “in uu dhinto oo la aaso” halkii uu Midowga Yurub waydiisan lahaa in waqtiga loogu daro bixitaanka Britain ee midowgaasi.

Tifaftiraha Siyaasadda ee BBC-da Laura Kuenssberg ayaa go’aanka saddexda warqadood lagu diray waxa ay ku tilmaantay mid “muran uu ka dhalan karo” waxa ayna saadaalisay in “dood iyo isjiidjiid ay ka dhalan doonto in Boris Johnson uu iskudayayo in uu hareer maro maxkamadda”.

Waxa ay sheegtay in: “Arrintu maxkamadda ayey tegi doontaa, waxaana suuragal ah in si degdeg ah ay ku gaari doonto Maxkamadda ugu sarreysa dalka.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this