Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Mozambique Oo Qaadacay Doorashadii Madaxtinimo Ee Toddobaadkii Hore

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Mozambique)-Xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka Mozambique ayaa qaadacay doorashadii todobaadkan, waxaana ay dowlada heysa tallada ku eedeysay inay jabisay heshiiskii nabada ee la gaadhay.

1571515986626f4.jpg

Mucaaradka ayaa dhanka kale ku dhaliilay maalintii codbixinta in dowlada ay sameysay cabsi galin iyo rabshado ka dhan ah codbixeyaasha Mucaaradka.

Natiijada doorashada maalintii talaadada ayaa muujineysa in uu guul gaadhay madaxweyne Filipe Nyusi, oo hogaamiya xisbiga Frelimo, balse mucaaradka ayaa natiijadan ku tilmaamay in ay tahay sharci Darro.

Hogaamiyaha Mucaaradka Renemo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Fremilo in uu jabiyay heshiiskii bishii Agoosto kaasi oo dhigayay in aan la aqbali doonin in asxaabta siyaasada aysan sameyn karin ficilo kicinaya Rabshado.

Dhanka kale wuxuu sheegay in xabsiga la dhigay wakiilada korjoogtada u ah mucaaradka, kadib markii goobaha codbixinta ay ku qabteen sanduuq siyaado ah kaasi oo si gaar ah codad been abuur ah loogu ridayay madaxweynaha Frelimo.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Mozambique ayaa ka hadlin dhaliisha kaga timid xisbiga Mucaaradka Dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this