Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad: Dib-u-dhigga June 2020 Ma jiro xilli Somalia uga xun

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay xilliga maxkamada ICJ ku beegtay dhegeysiga wareegga 2aad ee dacwadda badda ee Somalia oo ah june 2020, in ay tahay xilli waddanku ku jiro olole doorasho.

Yuusuf Garaad wuxuu sheegay xilligaas in uusan jirin xilli uga xun Soomaaliya, maadaama muxaafid iyo mucaaradba ay ku mashquusalsan yihiin herdanka o’lolaha doorashada madaxtinimada.

Dhinaca kale, koox Kenya ah, ayaa ka codsaday maxkamadda sare Kenya inay ku khasabto dowladda in ay ka laabato muranka baddeed ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, iyaga oo ku dooday in go’aanka ka qeybgalka dacwadan uu ahaa mid khaldan.

Kooxdaan oo ay qareeno ku jiraan, ayaa cabsi weyn ka muujiyay waxa dhici kara haddii maxkamada cadaaladdu Soomaaliya u xukunto dhul badeedka lagu muransan yahay, markaas dowladda Kenya waxay ku qasban tahay inay u hogaansanaato go’aanka maxkamada.

Waxay sheegaan sababta kaliya ee wax looga qaban kara arintaas.’ waa In Kenya mudnaanta siiso danaha qarankeeda ioo sharafteedu ku jirto.

PUNTLAND POST

The post Yuusuf Garaad: Dib-u-dhigga June 2020 Ma jiro xilli Somalia uga xun appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this