Deeq A. Posted October 19, 2019 Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qabtaan shaqooyinka horyaala. Gudoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan Xildhibaano fara-badan oo ka maqan kulamada, ay yeelanayan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi ayuuna sheegay in looga baahan yahay in kulamada ka soo qaybgalaan. Mursal ayaa farta ku fiiqay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, waxaana uu ku amray in laga doonayo in ay kulamada ka soo qaybgalaan. Sidoo kale afhayeenka Baarlamaanka ayaa ku celiyay in Xildhibaanadaasi uu ku amrayo in ay yimaadaan fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka. Hadalkan ayaa gudoomiyaha maanta waxa uu ka sheegay kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka oo Xildhibaanadu ku yeesheen Villa Hargeysa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites