Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay  dagaalyahanno ka tirsan  Al-Shabaab oo saarnaa gaari Caasi ah, halkaana lagu laayay dhamaantood, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in dagaalyahannadaasi ay ka soo furteen 18 qoryo iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Ugu dambeyn Cagajoof ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this