Deeq A. Posted October 19, 2019 Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saarnaa gaari Caasi ah, halkaana lagu laayay dhamaantood, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in dagaalyahannadaasi ay ka soo furteen 18 qoryo iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan. Ugu dambeyn Cagajoof ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites