Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga baadi goobayo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in dalkaasi ay ka baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaayeen qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa ku sheegay magaca ninka hoggaamiyaha ah ee ay raadiyanayaan C/llaahi Banaati, kaas oo hoggaamiye u ah Koox xiriir la leh Al-Shabaab, una qaabilsan qaraxyada lagu aaso deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

“Baaritaanada la sameeyay ayaa muujiyay in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ciidamda lagu qarxiyay miino dhulka lagu aasay, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen.

Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay wax ka qabato weerarada joogtada ah ee lagu qaado askarteeda ka howlgala deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya, kuwaas oo mas’uuliyadooda sheegato Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this