Deeq A. Posted October 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad lagu sagootinayey arday dhameysatay heerka koowaad ee waxbarashadda. Ardayda oo tiradoodu ay gaareyso 295 ayaa ka aflaxay 9-ka Kuliyadood ee Jaamacadda Jazeera ee Muqdisho, waana dufcadii 6aad ee ka qalin-jebisa Jaamacada oo kamida kuwa ugu tayada fiican. Madaxda ka qeybgashay ayaa waxaa ku jiray; Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sarre, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda, Faysal Cumar Guuleed, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Xubnihii madasha ka hadlay ayaa hambalyo u jeediyay ardayda, iyaga oo sidoo kale bogaadiyey Bareyaashii u dhabar-adeegay in ay soo saaraan ardayda si ay dadka iyo dalka wax ugu qabtaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Fad-Joy.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites