Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Maxamed axmed oo hogaaminaya xubno ka tirsan Guddig jogtada ah ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Garowe Kadib mudda Saddex Bari oo ay safar ugu maqnaayeen waddanka Uganda.

Safarka Guddoomiyaha iyo xildhibaannada weheliyay ayaa ku saabsana Tababar iyo aqoon iswaydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-dejinta kaasi ay uga qeyb-galeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Dhoobo ayaa ka warbixiyay aqoon kororsi dalka Ugandha ugusoo dhamaaday xubno ka socday Baarlamanka Puntland iyo kuwa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

“Aqoon kororsigu wuxuu ku saabsanaa habka Baarlamanku shaqadiisa u gudanayo ama korjoogtaynta ha noqoto ama matalaadda ha noqoto iyo xiriirada Baarlamaannada kale lala yeelanayo” ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo.

Hoos ka daawo muuqalka iyo sawirada

  • 1-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this